Saturday, January 29, 2011

Hadaad Dooneysid inaad nala soo xariirto Fadlan RIIX HALKAAN

Articles

How to Disable “Switch User” Option in Windows Vista and 7?

Sida loo joojiyo User Account Control Windows Vista.


Markii ugu horeysay Windows Vista waxaan ku aragney waxa la yiraah User Account Control (UAC) oo hadii la af-somaliyeeyo ah Awooda Isticmaalaha uu ku xukumo, habka loo isticmaalo computerka, kaasoo ilaa aad u ogolaatid, uusan socon kareyn,applikeeshinida,internetka iyo wax walba oo lagu isticmaalo computerka waa in isaga amar laga helaa, runtii hadii loo eego sekuuriti ahaan, waa wax aad u fiican, laakiin waxaa dhacday in dadka isticmaala computerda ay dhib ku noqotay, sida aad ku aragtaan sawirka hoos yaala, mar walba waxaa lagaa doonayaa in aad tiraahdid - Continue ama Cancel.

Habka #1aad - Adigoo Isticmaalaya  MSCONFIG
1.  Riix Start - Run - waxaad ku qortaa godka MSCONFIG "SHAQAL DHEER iyo shaqal gaaban'ba wuu ku shaqeeyaa".
2. Ka dib riix Tools tab, hoos waxaad ka eegtaa "Disable UAC" ka dib hal jeer riix.
3. Iminka waxaad riixdaa battanka "Lauch" ku qoran
4. Shaashad madow ayaa soo baxeysa "CMD window" isla markiiba horey ka xir ,marka ay qoraalada madow soo baxaan.
5. Iminka xir "MSCONFIG" computerka wuxuu doonayaa in mar labaad la soo shido "reboot"
Hadii aad doontid mustaqbalka in aad ku soo celisid siduu ahaa wxaan doorataa " Enable UAC" ka dibna riix Launch.

Habka #2 - Isticmaalida Regedit

1- Waxaad tagtaa Start - Run  ka dibna ku qor Regedit
2- Ka dib waxaa kuu furmaya computerka registarigiisa (iska ilaali waxaadan aqoon ha bedelin waa halis)
3- Waxaad raadisaa furaha hoos ku qoran
4- HKEY_LOCAL_MACHINE\Software\Microsoft\Windows\CurrentVersion\Policies\System
5- Raadi ereyga (DWORD): EnableLUA ka dibna sii value 0.

Muhiim:
Mar walba waxaan idin xasuusinayaa in aad "backup" aad sameysaan markii aad wax ka bedelaysaan registeriga, waayo waxaa dhacda inta badan in computerka shaqeyn kari waayo, hadii aad wax aadan aqoon ka bedeshid.
Xir regesteriga kadibna reboot ku samey computerka.
Hadii aad doontid sidii hore waad ku soo celin kartaa, adigoo isticmaalaya"regedi" ku bedelayana value 0 ahaa 1.

Habka #3 - Isticmaalida Group Policy

Noocan waxaa laga sameyn karaa iyadoo la isticmaalayo "Local Group Policy" ama dhinaca " Active Directory GPO" kani wuxuu ku wanaagsanyahay netwoogyada waaweyn. iyadoo qofka maamulaya netwoogaan uu doonaya in uu hal mar ka joojiyo, computaro aad u fara badan "UACga) User Access Control"
Si aad u isticmaashid, waxaad tagtaa Start - Run ku qor godka gpedit.msc, hadii aadisticmaaleysid AD "Active Directory" GPO leh, fur Group Policy Management Console (Start - Run - gpmc.msc) kaasoo ah computerka Windows Vista oo ka mid ah (Member) Domainka. shaashada "GPMC" riix browse (raad) GPO loo baahanyahay ee ku xiran "OUga" ama Organisional Unit ama domanka meesha computerka vista uu ku xiran yahay, ka dibna "edit" dheh.
1. Markii aad geshid Group Policy Editorka, raadi "Browse" Computer Configuration > Windows Settings > Security Settings > Local Policies > Security Options.



 2- Dhinaca midig ee shaashada, hoos sii aad isla markaana raadi - User Access Control policies - Maawska dhinaca midig riix ee dooro Properties. ka dibna halkan ayaad ka bedeli kartaa Enable iyo Disable.
Runtii waxyaabahan cusub ee lagu soo kordhiyey Windows Vista, dadka qibrada u leh cilmigan tiknoolijiyada waxay leeyihiin, waxba haka dhigin "Disable" ee u daa sida lagu soo dhisay Windowga,laakiin dadka isticmaala inta badan ma jecla waxyaabaha luqada ingiriiska lagu yiraah "annoying" dhibsashada.

Computer oo aan Hard Drive aan ku jirin!!


Waxaan xasuusanaa marka qof uu soo iibsanayo computer, waxyaabaha ugu horeeya waa waa maxay cabirka ama sizeka HDD ama meesha wax lagu keydiyo,computerkii ugu horeeyey oo aan soo iibsado waxaa ku jiray 2.5 GB iyo 16 MBmemory. waqtigaa oo sidaa u sii fogeen waxaa la dhihi jiray maxaan ku sameyn doonaa ama ku buuxin karaa 2.5 GB, sanadka 2010 SolaGroups Servers iyo Computers waxay isticmaalaan ilaa iyo 8TB oo HDD ah,bisha soo socota waxaa la gaari doonaa sida uu yiri qoraa cilmiga tiknoolijiyada ka hadla "DEATH OF HARD DRIVE" ama dhimashadii hard drayfka.
 

Talaadadii bisha ay aheyd 7.12.2010 ayaa OS ka ama operating sytem cusub ee Google Chrome la soo shaac bixiyey,iyo hadalo ka soo baxay dhinaca Apple iyo Microsoft,ayaa waxay sheegayaan in computerkii ama laptopkii mustaqbalka uu soo socdo kaasoo aan ku jirin wax HDD ama keydiyaha.
 
 
 
Kan ugu horeeya waa Google Chrome oo aan ku arki doono all-black laptops ay sameeyaan Samsung and Acer, iyagoo keydin doona wax walba sida faaylalka, applications, data bits iyo bytes,kuwaasoo ay ku keydin doonaa Online Servers sidaa awgeed maba u baahdnid in wax aad ku xafidid computerkaaga.
 
 
Laptopyada cusub oo ay hada soo saareen Google hard drayf maba ku jiro. isl markaa sheekada ma ahan in wixii sanadka dambe ka bilowda hard drayf oo dhan aan la isticmaalin. waa la sii isticmaali doonaa mustaqbalka,laakiin mustaqbal ma leh.
 
Laakiin su;aal ayaan is weydiiyay oo ah,hadii ay yiraahdeen wax walba Serverada Google ayaa lagu keydinayaa hadii Internet uusan ku xirneyn computerkayaga maxaa sameyn karaa? hadii Serverada Google ay crash garoobaan halkeen ka heli karaa wixii keydka ii ahaa? iyo ugu dambeyntii keydka ku jira Serverada Google yaa eegi kara? kolay waxaan filayaa in ay si aad ah  arimahan oo kale  u eegeen.
 
Hadaba markii Samsun all-black Laptop uu ku jiro OS ka ama Windowga Chrome oo gacanta ii soo galo ayaan si fiican uga faaloon doonaa.inta ka horeysa qashinka ha ku darina Hard darafyadiina.
 
 
                                                              
Taken from: www.Solagroups.com

How to Password Protect Microsoft Office 2007 Documents?


Hadii aad tahay qof isticmaala Microsoft Office 2007,wixii dukimenti aad  sameysid waxaad dooneysaa in dadka kale ee kula isticmaala computerka aaaney eegin, hadaba casharkan waxaan ku baran doonaa sida baaswoorka loogu xiro Microsoft Office Document.
Microsoft xoogaa wey yara bedeleen, hadii loo eego Microsoft Office 2003. hadaba sawirada iyo qoraalka hoos ku yaal sii raac, si aad baaswoor ugu xirtid dukimintigaada qaaska kuu ah.
 
1- Riix Microsoft Office  Button- ka dibna dheh Save as

2- Ka dib riix Tools adigoo dooranaya General Options
3-  Hadii aad dooneysid in qof kale uu furan karo dukomentigan, waxaad siin kartaa Baaswoorka.
     iyo adigoo isla markaana sameysan kara baaswoor kuu gooni ah.

4- Xataa waxaad dooran kartaa Aqri keliya ama Read-only , kaasoo isla markaana baaswoor aad gelin kartid.