Saturday, January 29, 2011

Computer oo aan Hard Drive aan ku jirin!!


Waxaan xasuusanaa marka qof uu soo iibsanayo computer, waxyaabaha ugu horeeya waa waa maxay cabirka ama sizeka HDD ama meesha wax lagu keydiyo,computerkii ugu horeeyey oo aan soo iibsado waxaa ku jiray 2.5 GB iyo 16 MBmemory. waqtigaa oo sidaa u sii fogeen waxaa la dhihi jiray maxaan ku sameyn doonaa ama ku buuxin karaa 2.5 GB, sanadka 2010 SolaGroups Servers iyo Computers waxay isticmaalaan ilaa iyo 8TB oo HDD ah,bisha soo socota waxaa la gaari doonaa sida uu yiri qoraa cilmiga tiknoolijiyada ka hadla "DEATH OF HARD DRIVE" ama dhimashadii hard drayfka.
 

Talaadadii bisha ay aheyd 7.12.2010 ayaa OS ka ama operating sytem cusub ee Google Chrome la soo shaac bixiyey,iyo hadalo ka soo baxay dhinaca Apple iyo Microsoft,ayaa waxay sheegayaan in computerkii ama laptopkii mustaqbalka uu soo socdo kaasoo aan ku jirin wax HDD ama keydiyaha.
 
 
 
Kan ugu horeeya waa Google Chrome oo aan ku arki doono all-black laptops ay sameeyaan Samsung and Acer, iyagoo keydin doona wax walba sida faaylalka, applications, data bits iyo bytes,kuwaasoo ay ku keydin doonaa Online Servers sidaa awgeed maba u baahdnid in wax aad ku xafidid computerkaaga.
 
 
Laptopyada cusub oo ay hada soo saareen Google hard drayf maba ku jiro. isl markaa sheekada ma ahan in wixii sanadka dambe ka bilowda hard drayf oo dhan aan la isticmaalin. waa la sii isticmaali doonaa mustaqbalka,laakiin mustaqbal ma leh.
 
Laakiin su;aal ayaan is weydiiyay oo ah,hadii ay yiraahdeen wax walba Serverada Google ayaa lagu keydinayaa hadii Internet uusan ku xirneyn computerkayaga maxaa sameyn karaa? hadii Serverada Google ay crash garoobaan halkeen ka heli karaa wixii keydka ii ahaa? iyo ugu dambeyntii keydka ku jira Serverada Google yaa eegi kara? kolay waxaan filayaa in ay si aad ah  arimahan oo kale  u eegeen.
 
Hadaba markii Samsun all-black Laptop uu ku jiro OS ka ama Windowga Chrome oo gacanta ii soo galo ayaan si fiican uga faaloon doonaa.inta ka horeysa qashinka ha ku darina Hard darafyadiina.
 
 
                                                              
Taken from: www.Solagroups.com

No comments:

Post a Comment