Saturday, January 29, 2011

Sida loo joojiyo User Account Control Windows Vista.


Markii ugu horeysay Windows Vista waxaan ku aragney waxa la yiraah User Account Control (UAC) oo hadii la af-somaliyeeyo ah Awooda Isticmaalaha uu ku xukumo, habka loo isticmaalo computerka, kaasoo ilaa aad u ogolaatid, uusan socon kareyn,applikeeshinida,internetka iyo wax walba oo lagu isticmaalo computerka waa in isaga amar laga helaa, runtii hadii loo eego sekuuriti ahaan, waa wax aad u fiican, laakiin waxaa dhacday in dadka isticmaala computerda ay dhib ku noqotay, sida aad ku aragtaan sawirka hoos yaala, mar walba waxaa lagaa doonayaa in aad tiraahdid - Continue ama Cancel.

Habka #1aad - Adigoo Isticmaalaya  MSCONFIG
1.  Riix Start - Run - waxaad ku qortaa godka MSCONFIG "SHAQAL DHEER iyo shaqal gaaban'ba wuu ku shaqeeyaa".
2. Ka dib riix Tools tab, hoos waxaad ka eegtaa "Disable UAC" ka dib hal jeer riix.
3. Iminka waxaad riixdaa battanka "Lauch" ku qoran
4. Shaashad madow ayaa soo baxeysa "CMD window" isla markiiba horey ka xir ,marka ay qoraalada madow soo baxaan.
5. Iminka xir "MSCONFIG" computerka wuxuu doonayaa in mar labaad la soo shido "reboot"
Hadii aad doontid mustaqbalka in aad ku soo celisid siduu ahaa wxaan doorataa " Enable UAC" ka dibna riix Launch.

Habka #2 - Isticmaalida Regedit

1- Waxaad tagtaa Start - Run  ka dibna ku qor Regedit
2- Ka dib waxaa kuu furmaya computerka registarigiisa (iska ilaali waxaadan aqoon ha bedelin waa halis)
3- Waxaad raadisaa furaha hoos ku qoran
4- HKEY_LOCAL_MACHINE\Software\Microsoft\Windows\CurrentVersion\Policies\System
5- Raadi ereyga (DWORD): EnableLUA ka dibna sii value 0.

Muhiim:
Mar walba waxaan idin xasuusinayaa in aad "backup" aad sameysaan markii aad wax ka bedelaysaan registeriga, waayo waxaa dhacda inta badan in computerka shaqeyn kari waayo, hadii aad wax aadan aqoon ka bedeshid.
Xir regesteriga kadibna reboot ku samey computerka.
Hadii aad doontid sidii hore waad ku soo celin kartaa, adigoo isticmaalaya"regedi" ku bedelayana value 0 ahaa 1.

Habka #3 - Isticmaalida Group Policy

Noocan waxaa laga sameyn karaa iyadoo la isticmaalayo "Local Group Policy" ama dhinaca " Active Directory GPO" kani wuxuu ku wanaagsanyahay netwoogyada waaweyn. iyadoo qofka maamulaya netwoogaan uu doonaya in uu hal mar ka joojiyo, computaro aad u fara badan "UACga) User Access Control"
Si aad u isticmaashid, waxaad tagtaa Start - Run ku qor godka gpedit.msc, hadii aadisticmaaleysid AD "Active Directory" GPO leh, fur Group Policy Management Console (Start - Run - gpmc.msc) kaasoo ah computerka Windows Vista oo ka mid ah (Member) Domainka. shaashada "GPMC" riix browse (raad) GPO loo baahanyahay ee ku xiran "OUga" ama Organisional Unit ama domanka meesha computerka vista uu ku xiran yahay, ka dibna "edit" dheh.
1. Markii aad geshid Group Policy Editorka, raadi "Browse" Computer Configuration > Windows Settings > Security Settings > Local Policies > Security Options.



 2- Dhinaca midig ee shaashada, hoos sii aad isla markaana raadi - User Access Control policies - Maawska dhinaca midig riix ee dooro Properties. ka dibna halkan ayaad ka bedeli kartaa Enable iyo Disable.
Runtii waxyaabahan cusub ee lagu soo kordhiyey Windows Vista, dadka qibrada u leh cilmigan tiknoolijiyada waxay leeyihiin, waxba haka dhigin "Disable" ee u daa sida lagu soo dhisay Windowga,laakiin dadka isticmaala inta badan ma jecla waxyaabaha luqada ingiriiska lagu yiraah "annoying" dhibsashada.

2 comments: